Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tagay Saldhigga ugu weyn ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo ku yaala Degaanka Balidoogle ee Gobolka Shabellada Hoose.
General Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe Markii uu gaaray Saldhigga Balidoogle waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ee Kumaadooska Soomaaliya.
Ciidanka xaruntaan dagan oo ah kuwa fuliya weerarada gaarka ah ee lagu Bartilmaameedsado Nabadiidka Al-shabaab ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu la yeeshay kulumo iyo is xog wareeysi uu ku oganayo sida ay u socdaan howlgalada qorsheysan.
S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in ciidamada danab ay yihiin indhaha ciidamada qalabka Sida waxa uuna uga mahadceliyay guulaha la taaban karo ay kasoo hooyeen dagaalka lagu ciribtirayo Nabadiidka Al-shabaab.
Taliyaha ayaa Xusay in ay ka go,an tahay in dalka laga xoreeyo Argagixisada Horumarka iyo Nabada dalka diidan isagoo tilmaamay in qorshaha taliska Ciidanka Xoogga dalka uu yahay in la balaariyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya si ay usoo afjaraan Cadowga ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab.
Qeybaha kala duwan ee xerada tababarka Balidoogle ayuu kormeeray general Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe
Ciidamada Danab ayaa ah kuwo si gaar ah u fuliya howlada qorsheysan ee lagu qaarajiyo Horjogayaasha iyo maleyshiyaadka ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.