Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa shacabka iyo ciidanka dib u xoreynta deegaanka kula kulmay deegaanka Ceel-cali Axmed ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa shacabka deegaanka uga mahadceliyey doorka wada shaqeynta ah ee ciidanka xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka, isaggoo ku booriyey in ay u dhabar adeegaan halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Sidoo kale mas’uuliyiinta la socotay Taliyaha ayaa ciidamada wadajirka ah u sheegay inay markasta garab taaganyihiin, ujeedka socdaalkoodana uu la xiriirto dhiirigelinta ciidamada