Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo kulamo doceedyo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Bangiga Adduunka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo kulamo doceedyo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Bangiga Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka sanadlaha ah ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ka furmay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, waxaana shirkaan ka qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Furitaanka shirka kadib, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa si gaar ah kulamo muhiim u ah oo ku saabsan Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya la qaatay Madaxda Hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Fulinta xafiiska Bangiga Adduunka ee (Africa Group 1) Dr.Floribert Ngaruko oo ay ka wada hadleen arrimaha dib-u-habeynya Maaaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa uu kulan muhiim ah la waatay Madaxweyne ku xigeenka Afrika ee Hey’adda Maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Sérgio Pimenta, waxa ay si gaar ah wada hadlkooda diiradda ugu saareen sidii IFC ay u maalgalin laheyd ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu Wasiirku wada xaajood la yeeshay wakiilo ka socda Dowladda Ruushka oo ka mid ah dowladaha Soomaaliya deynta ku leh isla markaana muddooyinkii la soo dhaafay uu u socday wadahadal ku saabsan cafinta deynta Ruushku ku leeyahay Soomaaliya.

Shirka Sanadlaha laha ah ee Guddiga Sare ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa socon doona muddo toddobaad ah, waxaana jiri doono kulamo muhiim ah oo diiradda lagu saari doono xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya.

Previous Post

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay degaano hoostaga magaalada Galcad

Next Post

Taliyaha CXDS iyo Xildhibaanno kormeeray furimaha ciidamada ee Gobalka Shabeelaha Dhexe

Next Post
Taliyaha CXDS iyo Xildhibaanno kormeeray furimaha ciidamada ee Gobalka Shabeelaha Dhexe

Taliyaha CXDS iyo Xildhibaanno kormeeray furimaha ciidamada ee Gobalka Shabeelaha Dhexe

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In