Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha CXDS: “Kismaayo waxaan u nimid inaan kormeerno, xaqiijinno, ogaanno xaaladda dhabta ah ee Qaybta 43-aad”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Taliyaha CXDS: “Kismaayo waxaan u nimid inaan kormeerno, xaqiijinno, ogaanno xaaladda dhabta ah ee Qaybta 43-aad”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa maanta gaaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

 

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa taliyaha ku qaabbilay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Kismaayo, wuxuuna Jeneraal Indha-qarshe ka mahad celiyay sidii diirranayd ee loo maamuusay.

Jeneraal Daahir Aaden Cilmi, ayaa sheegay inay booqashadiisa Kismaayo ku saabsan tahay in uu Indha-indheyn ku sameeyo una kuur-galo xaaladda Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Kismaayo waxaan u nimid inaan kormeerno, xaqiijinno, ogaanno xaaladda dhabta ah ee Qaybta 43-aad, oo ah qaybaha ugu muhiimsan  ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sababta aan u leennahayna waxa weeye waa meesha ugu badan ee Xuddunta u ah Nimankaas Argagixisada ah, marka qasab bay nagu tahay inaannu aad iyo aad ugu kuurgalno”ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa qaybtan 43-aad ku tilmaamay mid ahmiyad weyn u leh, maaddaama ay ka howl-gasho goobaha ugu badan ee ay Ciidamada xoogga Dalku kula dagaallamaan Kooxda cadawga ah ee Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay taliyuhu inuu aaminsan yahay in haddii uu Ciidanka ku sugan degaannada Jubbaland helo Agab Militeri oo ku filan in uu cirib tiri karo kooxaha Argagagixisada, kana saarayo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan, kana dul qaado dhibta saran Shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo sheegay in la dhisayo Guddiga tacliinta sare

Next Post

Maamulka Gobolka Hiiraan oo amray in bartooda lagu toogto ciddii lagu qabta isbaaro

Next Post
Dhageyso: dhagar qabe ka tirsan Al shabaab oo ku dhintay qarax uu ku aasayay Baladweyn

Maamulka Gobolka Hiiraan oo amray in bartooda lagu toogto ciddii lagu qabta isbaaro

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In