Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska xarunta hogaanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska xarunta hogaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in dib u dayactir xooggan uu ka socdo xarunta hogaanka gaadiidka, halkaasi oo uu maanta howlo kormeer ah ku tegay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo ku-xigeenkiisa labaad Sareeyo Guuto Bashiir Cabdi.

Taliyaha hogaanka gaadiidka booliska oo u warramay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlaha dib u dhiska ah ee ka socda xarunta hogaanka booliska oo bur bur ka soo gaartay dhibaatadii dalka kacay 25-kii sano ee la soo dhaafay, isagoo intaa ku daray in taliyaha booliska iyo taliye xigeenka ay ku soo wareegeen qeybaha dib u dhiska uu ka socdo oo ay ka midtahay goobihii lagu dayactiri jiray gaadiidka booliska.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026

“Taliyaha ciidanka booliska iyo ku-xigeenkiisa ayaa nagu soo booqday xarunta maanta, waxaana aan ku soo wareejinay goobaha dib u dhiska ka socda hogaanka gaadiidka booliska, oo ay ka midtahay goobihii lagu dayactiri jiray gaadiidka booliska sida, Rebaartooyinka kala duwan, rinjiilaha, dabyaqaanka, matooristaha, goomistaha, bambiistaha iyo meelo kale oo badan” ayuu yirii taliyaha oo hadalkiisa ku daray in ay qorsheynayaan sidii xarunta ay noqon lahayd goob sidoo kale lagu dayactiro gaadiidka dowladda oo dhan.

Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi ayaa xusay in goobaha dib u dayactirka lagu sameynayo ay tahay garaashkii weynaa ee gambolooladii gaadiidka la dhigan jiray, si ay dib u soo ceshato xarunta howlahii ay qaban jirtay, isagoo intaa ku daray in howlaha dib u dayactirka ay ka caawinayaan Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xuseen Yuusuf Jimcaale, taliyaha qeybta nabadgelyada waddooyinka Kornayl Cali Maxamed Cali iyo ganacsato Soomaaliyeed.

“Runtii meelaha qaar waxaa dhismaha gacan ka geystay oo lagu dhisay mushaarkii ay iska jareen ciidanka ka tirsan hogaanka gaadiidka booliska oo aan anigu ugu horeeyo, taasi oo aan kaga daysanay, Halku dhigii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ee ahaa dhiso dalkaag, iyo halku dhigii kale ee guddoomiyaha goboka ee ahaa, hal doolar ku dhiso dalkaaga, marka shacabka xilligan waxa ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud, oo laga gudbay xilligii aan gacan kale wax ka sugeynay” ayuu yiri  Kornayl Bishaar Abshir Geedi.

Kornayl Bishaar Abshir Geedi Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay madaxda dowladda iyo ganacstada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarunta hogaanka gaadiidka booliska.BH0A9337 BH0A9338 BH0A9339 BH0A9352 BH0A9353 BH0A9354 BH0A9376 BH0A9377 BH0A9390 BH0A9392

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Ruushka ka codsaday in Soomaaliya laga taageero amniga

Next Post
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Ruushka ka codsaday in Soomaaliya laga taageero amniga

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Ruushka ka codsaday in Soomaaliya laga taageero amniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

Wariye Cagmadhige oo 35 sano kadib dib soo booqday Istuudiyaha Radio Muqdisho.

Wariye Cagmadhige oo 35 sano kadib dib soo booqday Istuudiyaha Radio Muqdisho.

January 7, 2026
0

Wariye Cagmadhige oo ka mid ah saxafiyiinta rug-caddaaga ah ee Soomaaliya, ayaa mar kale shacabka Soomaaliyeed kala hadlay istuudiyaha Radio...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 7, 2026
0

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul u cambaareeyay faragelinta Israa’11l ee lagu eedeeyay in ay ku hayso...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In