Raโiisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan dalka Rushka ayaa kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Sergei Lavrov oo ay ka wada hadleen arrimo badan.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka ayaa labada dhinac waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dowladda Ruushka ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.
โHowlgallada nabadda lagu soo celinayo ee ka socda dalka waxa uu yahay mid u baahan in ciidamada amniga la taageero, si ay u dar dargeliyaan howlgalka, waxaana idinka codsaneynaa in aad naga caawisaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada xoogga dalkaโayuu yiri Raโiisul wasaaraha Dalka
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa tilmaamay in dowladda Ruushka ay Soomaaliya ka caawin doonto nabad ku soo dabaalidda dalka, la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka
Raโiisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa rajo ka muujiyay in dib loo xoojiyo xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka












