Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Oo Xalay Kormeeray Isgoysyada Magaalada Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Oo Xalay Kormeeray Isgoysyada Magaalada Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa xalay Saqdii dhexe Kormeeray Xaruumaha Ciidamada Qalabka sida ee magaalada Muqdisho islamarkaana gudanayay waajibaadka Qaran ee Dalka iyo dadka ay u hayaan si uu ugu kuur galo Xaalada Amni ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Hey’adda NISA Ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Isgoysyada Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka weydiinayay Ciidamada oo Isugu jira Boliiska iyo Nabad sugida Xaalada Ammaan iyo sida ay u sugayaan Ammaanka, iyadoo Ciidamadaasi ugu warbixinayay Howsha baaxadda leh ee xiligaasi ay u taaganyihiin.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa meelaha uu booqday waxaa ka mid ah wadada Maka Al Mukarama iyo wadada isku xirta Garoonka Aadan Cadde iyo KM4, waxaana halkaasi uu kula kulmay Ciidamo ka tirsan NISA, iyadoo saraakiisha Ciidan ee ku howlanaa sugida ammaanka ay warbixin ka siiyeen sida ammaanka uu yahay oo ay u sheegeen in xaaladda amni ay tahay mid wanaagsan.

intaasi kaddib Taliyaha Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuuryare  waxaa uu u jiheystay Dhanka Madiina oo ugu tagay Ciidamo ka Tirsan NISA oo Xarun amni oo ku taala inta u dhexeysa Garoonka Aadan Cadde iyo Madiina ku sugnaa, iyadoo warbixin uu ka dhageystay Sarkaalka Ciidankaasi madaxda u ahaa oo u sheegay in Xaalada amni ay wanaagsantahay waxaana talo uu ka siiyay Taliyaha Sugida amniga.

Taliyaha oo ilaa saakay Waabarigii ku guda jiray kormeerkiisa la xiriira Sugida amniga ayaa Booqday xarunta KMG ah ee Wasaaradda Amniga oo ay u soo jeedaan sidii amniga wasaaradda ay u sugi lahaayeen  Ciidamo ka tirsan NISA, waxaana Gen Tuuryare uu Awaamiir la xiriirta Xoojinta Amniga uu siiyay Ciidamada.

Kormeerka Taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Tuuryare ayaa qeyb ka ah Dhiir galinta Ciidamada oo habeen maalin u soo jeeda u qidmeynta Dadka Shacabka , waxaana kormeerkani uu qeyb ka yahay Soo bandhigida amniga guud ee ka jira caasimada.

Previous Post

Cabdifataax Cumar Xalane oo loo magacaabay Afhayeenka Maamulka G/banaadir

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray Nadaafadda iyo arrimo kale “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray Nadaafadda iyo arrimo kale “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray Nadaafadda iyo arrimo kale “SAWIRRO”

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In