Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Oo Xalay Kormeeray Isgoysyada Magaalada Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Oo Xalay Kormeeray Isgoysyada Magaalada Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa xalay Saqdii dhexe Kormeeray Xaruumaha Ciidamada Qalabka sida ee magaalada Muqdisho islamarkaana gudanayay waajibaadka Qaran ee Dalka iyo dadka ay u hayaan si uu ugu kuur galo Xaalada Amni ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Hey’adda NISA Ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Isgoysyada Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka weydiinayay Ciidamada oo Isugu jira Boliiska iyo Nabad sugida Xaalada Ammaan iyo sida ay u sugayaan Ammaanka, iyadoo Ciidamadaasi ugu warbixinayay Howsha baaxadda leh ee xiligaasi ay u taaganyihiin.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa meelaha uu booqday waxaa ka mid ah wadada Maka Al Mukarama iyo wadada isku xirta Garoonka Aadan Cadde iyo KM4, waxaana halkaasi uu kula kulmay Ciidamo ka tirsan NISA, iyadoo saraakiisha Ciidan ee ku howlanaa sugida ammaanka ay warbixin ka siiyeen sida ammaanka uu yahay oo ay u sheegeen in xaaladda amni ay tahay mid wanaagsan.

intaasi kaddib Taliyaha Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuuryare  waxaa uu u jiheystay Dhanka Madiina oo ugu tagay Ciidamo ka Tirsan NISA oo Xarun amni oo ku taala inta u dhexeysa Garoonka Aadan Cadde iyo Madiina ku sugnaa, iyadoo warbixin uu ka dhageystay Sarkaalka Ciidankaasi madaxda u ahaa oo u sheegay in Xaalada amni ay wanaagsantahay waxaana talo uu ka siiyay Taliyaha Sugida amniga.

Taliyaha oo ilaa saakay Waabarigii ku guda jiray kormeerkiisa la xiriira Sugida amniga ayaa Booqday xarunta KMG ah ee Wasaaradda Amniga oo ay u soo jeedaan sidii amniga wasaaradda ay u sugi lahaayeen  Ciidamo ka tirsan NISA, waxaana Gen Tuuryare uu Awaamiir la xiriirta Xoojinta Amniga uu siiyay Ciidamada.

Kormeerka Taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Tuuryare ayaa qeyb ka ah Dhiir galinta Ciidamada oo habeen maalin u soo jeeda u qidmeynta Dadka Shacabka , waxaana kormeerkani uu qeyb ka yahay Soo bandhigida amniga guud ee ka jira caasimada.

Previous Post

Cabdifataax Cumar Xalane oo loo magacaabay Afhayeenka Maamulka G/banaadir

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray Nadaafadda iyo arrimo kale “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray Nadaafadda iyo arrimo kale “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray Nadaafadda iyo arrimo kale “SAWIRRO”

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In