Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Xoogga ee Ugaandha oo Safar ku tegay Baraawe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Xoogga ee Ugaandha oo Safar ku tegay Baraawe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Milaterigga Wadanka Uganda General Katumba Wamala oo maalmahaan ku
sugnaa dalka ayaa booqasho ku tegay Degmadda Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose oo ay ku
weheliyeen Taliyaha Howlgalka AMISOM Gen Osman Nur Soubagle,Saraakiil Soomaliyeed iyo kuwa Uganda halkaasi oo uu u kuurgalay xaaladda Ciidamadda Soomaliyeed iyo kuwa Uganda ee ka howlgala aagas, isagoo ku dhiirigeliyay kuna amaanay sida ay nabadda iyo xasiloonida ugu soo celiyeen, kadib markii laga xoreeyay Al Shabaab,

Mas’uuliyiintu waxay ka dhageystay warbixin Saraakisha Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo ka warbixiyay wada shaqeynta Ciidamadda huwanta ah iyo howgaladooda ee ku aadan sifeynta cadowga laga xoreynaayo shacabka soomaliyeed ee ku nool Gobolka shabellaha hoose.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

General Katumba Wamala ayaa Ciidamadda Soomaliyeed ku amaanay sida ay dalkooda u difaacan isagoo ku bogaadiyay inay mar walba xasuustaan inuu dalka Soomaliyeed amnigiisa ay si buuxda Soomalidda kaliya ku hanan karto. wuxuuna sheegay in Dowladda Uganda ay mar waliba taageereyso sidii Ciidanka Soomaliyeed ay u gaari lahaayeen isku filnaasho loogana maarmo joogitaanka Ciidanka AMISOM;

“xalka dalkaan wuxuu ku jiraa gacanta walaalaheena Soomaalida waxaan ku dadaaleeynaa inaan idin taageerno si walboo ay noqotaba balse waxaana idinka rajeynayaa inaad muhimaad gaar ah dhaaman aad siisaan sugidda amniga iyo xasilinta dalka” ayuu yiri General Katumba Wamala.

Taliyaha Ciidamadda Uganda ayaa kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka Degmadda Baraawe,wuxuuna qiray horumarka ay gaartay Soomaliya inay Baraawe sido kale ay qeyb ka tahay horumarka oo bilic iyo amni maanta ka muuqato.

Previous Post

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay qaban qaabada doorashada guddoonka Baarlamanka+Dhageyso

Next Post

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka oo deeq lacageed ugu yaboobay guddiga gurmadka abaaraha

Next Post
Guddoomiyaha Barlamanka oo dalka ku soo laabtay kadib safar uu ku tagay dalalka Ciraaq iyo Turkiga

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka oo deeq lacageed ugu yaboobay guddiga gurmadka abaaraha

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In