Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye Gorod”Howlgalku wuu socon doonaa ilaa laga ciribtiro argagixisada Alshabaab”+sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Taliye Gorod”Howlgalku wuu socon doonaa ilaa laga ciribtiro argagixisada Alshabaab”+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Wixii ka dambeeyey howlgalkii ballaarnaaa oo ciidanka Xooga Dalka ay ka fuliyeen dhawaan deegaanada dhaca Waqooyiga magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa sii kordhayay dhaqdhaqaaqyada ay ciidamadu ku doonayaan in maleeshiyaadka shabaab laga ciribtiro guud ahaan deegaanadaasi,kadib dhiirogelin ay ka heleen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha dowladda.

Ciidamada ayaa ujeheysan haatan deegaano horleh oo kuyaala Jubooyiinka,si kooxaha argagixisada Alshabaab ay uga saaraan guud ahaan deeganada ay ku dhuumaalauysanayaan koxda Alshabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod iyo wafdi saraakiil oo uu hoggaaminayo oo tagay deegaanka Bar Sanguuni oo ay ciidanka  Xoogga dalka ka xoreeyeen kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ayaa sheegay in ciidanku aanay dib uga soo laaban doonin deegaanadii ay qabsadeen,balse ay sii socon doonaan.

”Waxaan taagan nahay Baar Sanguuni oo ah jiida hore, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan goobtan nimaadno oo ciidamada kusoo booqanno, si aan u ogaano guulaha ay gaareen iyo baahiyahooda, waxaan uga tacsiyeyneynaa ehelada ciidankii halkan ku dhintey iyo dalalkii ay ka dhinteen, kuwa dhaawacmay waxaan u rajeynayaa inuu illaahay caafimaad siiyo.

Shirka jaraa’id ee uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ku qabtay deegaanka Baar Sanguuni kaddib wuxuu kormeeray goobaha kala duwan oo ay ciidanku ku sugan yihiin iyo dhammaan deegaanka, wuxuuna sheegay dadaalada hadda socda inay sii xoojin doonaan isla markasna dhowaan dalka laga sifeyn doono kooxda UGUS.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inaysan sidaan uga tageyn ciidanka xoogga  ee ku sugan deegaanka si dadaalada dalka looga xoraynayo cadowga shacabka loosii xoojiyo, waxa kale uu sheegay dowladda Federaalka iney ilgaar ah ku fiirin doonaan ciidankan, maadama daruufo kala duwan laga soo sheegay.

S/Gaas C/weli Jaamac Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii loo mideyn lahaa ciidanka SNA iyo kuwa Jubbaland isla markasna loo qalabeyn doono hal qaab, sidoo kale wuxuu hambalyo u diray ciidanka jiida hore ku sugan oo xilli kasta shacabka ka difaaca kooxda UGUS.

Sidoo kale taliye Gorod ayaa sheegay deegaankan iyo kuwa kasii shisheeya iney ciidanka dalka gaari doonaan, Taliyaha ayaa u mahad celiyay ciidamada kale ee dowladda ku garab siinaya dagaalka kooxda UGUS.

Ugu danbeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha mamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay guulaha ciidanku kasoo hoyeen weerarada kooxda UGUS lagu qaaday, waxayna isla meel dhigeen in howlgalada noocaan oo kale ah lasii xoojiyo inta deegaanada Jubbooyin laga ciribtirayo.

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

QM oo si kulul u cambaareysay tacadiyada Israel ay ku hayso Falastiin

Next Post
QM oo si kulul u cambaareysay tacadiyada Israel ay ku hayso Falastiin

QM oo si kulul u cambaareysay tacadiyada Israel ay ku hayso Falastiin

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In