Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska oo howlo shaqo u tegay Beladweyne “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska oo howlo shaqo u tegay Beladweyne “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kaddib markii uu socdaal shaqo ku tegay halkaasi.

Maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynta Taliye ku-xigeenka ciidanka booliksa, waxaana markii uu ka soo degay garoonka Ugaas Khaliif uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska, isagoo soo kormeeray saldhiga booliska ee degmada iyo goobo kale.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka socdaalkisa ay tahay sidii uu ugu kuur geli lahaa guud ahaan xaaladda amni iyo tan nololeed ee ka jirta Beladweyne.

“Ujeedka socdaalkeyga waxa uu ku saabsanyahay in aan u kuur galno guud ahan nabad gelyada iyo xaaladda ciidanka jooga halkan ay ku suganyihiin, waxaana kulamo la qaadan doonaa maamulka gobolka, kan degmada, odoyaasha dhaqanka, ciidanka iyo qeybaha kale ee bulshada” ayuu yiri Sareeyo Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in wafdigu ay qiimeyn ku sameyn doonaan xaaladda amni ee degmada iyo guud ahaan gobolka, waxaana uu intaa ku daray inay diyaar u yihiin la shaqeynta wafdiga.

A1

A2 A3 A4 A5 A7 A8 A9 A10 A11

Previous Post

Wasaaradda howlaha guud oo ka digtay in la dhisto garoonkii LLP Jeenyo

Next Post

Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya: “Ma jiri doonto wax muddo kordhin ah” (Sawirro)

Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In