Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kormeeray Ciidamo cusub oo tababar uu uga socdo Dugisga tababarka Ciidanka Booliska ee Gen. Kaahiye.
Ciidankaan oo la isugu keenay Xarunta gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa salaam sharaf waxay halkaasi ku siiyeen Taliyeyaasha Ciidamada Asluubta iyo Booliska, waxayna soo bandhigeen gaada ka ciyaar iyo dhoola tusk a turjumaya casharada la baro.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo Ciidankaasi la hadlay, ayaa sheegay in ujjeedka loo tababarayo ay tahay inay noqdaan kuwa shacabka Soomaaliyeed ay ku faa’iidaan, islamarkaana looga baahan yahay in Qaranka si daacad ah ay ugu adeegaan.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa Ciidanka tababarka uu u socdo u jeediyey khudbad dardaaran ah, waxaana uu u sheegay inay yihiin jiil cusub oo laga rabo in Qaranka lafdhabar ay u noqdaan.