Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyihii NISA ee G/Sh/dhexe oo la aasay iyo gacan ku dhiiglihii dilay oo la soo bandhigay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Taliyihii NISA ee G/Sh/dhexe oo la aasay iyo gacan ku dhiiglihii dilay oo la soo bandhigay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Gobollaka Shabeelaha dhexe Cabdiwlai Ibraahim Junbur ayaa maanta aas qaran loogu Sameeyay Magaalada Jowhar,  iyado Halka Lagu aasayna lagu soo Bandhigay gacan ku dhiigle Yuusuf Xuseen MAxamuud oo isagu xalay dilay Taliyaha.

Gacan ku dhiigle Yuusuf Madoobe ayaa Ciidanka Qalaba sida waxa ay  ka soo qabteen  inta u dhaxaysa Tuulooyinka Baaray iyo Banaanay oo Qiyaastii Jowhr u jirta in ka badan 10 kilo Mitir kadib Howlgal Qaatay  wax ka yar 15 saacadood oo Baxsadka lagu Baadi Goobayay.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Gacan ku dhiiglaha ayaa loo soo  Bandhigay dadkii ka qeyb galay aaska Marxuumka isagoo ay ka muuqatay Walwalka waxa uu wajihi doono waxaana Gob Joog ahaa  Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, Saraakiisha Ciidamada Nabadsugidda, Milatariga, Booliiska iyo ehalada Marxuumka

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Cali Cabdulaahi Guudlaawe oo ay garab taagnaayeen Mas’uuliyiinta Gobolka Shabeelaha iyo iyo Magaalada Jowhar ayaa ka Tacsiyadeeyay Geerida Taliyaha waxa uuna sheegay in Cadaalada la Marsiindoono Yuusuf Xuseen Maxamuud oo lagu hayo dilka.

“Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun Alaha u Naxariisto Taliye Cabdiwali waxa uu ahaa Qof nagu weyn waxbadana ka qabtay amaanka Gobolka waxa uu ahaa Qof ay ka Baqaan Nabad Diidka isla Markaana Shacabka Shabeelah dhexe ay Jeclaayeen waxaa Mahad Mudan Ciidamada Qalabka Sida oo soo qabtay Gacan ku dhiiglihii dilay Taliyaha waxaana la Marsiin doonaa Cadaalada Insha allah ninka aad aragteen ee dilka Geeystay”

Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa Tilmaamay inuu ka xun yahay Geerida Taliyaha laakiin ay Guul tahay in la qabtay ninka Dilay.

“Alaha u naxariisto walaalkeen Cabdiwali waxa uu ahaa Shaqsi wadani ah oo ah oo wax ka qabtay Amaanka Gobolka Shabeelaha dhexe waxa uu ka mid yahay Goboladda ugu Horumarsan Qeyb ayuu ka qaatay Ciidamada Qalabka sida wan uga Mahad Celinaya inay Soo qabteen Gacan ku dhiiglaha Xaqdarada ku dilay taliyaha Cadaalada ayaana la Marsiinaya” ayuu yiri Xildhibaan Abuukar Isloow.

Maxamed Cabdulle Junbur oo adeer u ahaa Alaha u Naxariistee Talliye Cabdiwali ayaa sheegay inay ugu Mahad  Celinayaan Ciidamada Qaranka Soo qabashada Gacan ku dhiiglaha ayna  rajeynayan in Cadaalada la Marsiiyo.

vlcsnap-2016-06-22-13h40m04s109 vlcsnap-2016-06-22-13h41m37s9 vlcsnap-2016-06-22-13h40m36s174 vlcsnap-2016-06-22-13h40m46s22

vlcsnap-2016-06-22-13h39m55s25

Cabdishakuur Cali Axmed Jowhar

 

 

 

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Baydhabo ka furay shirka madasha wadatashiga qaran

Next Post

Daawo Sawirrada: Sida diirran ee madaxweynaha maanta loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Next Post
Daawo Sawirrada: Sida diirran ee madaxweynaha maanta loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Daawo Sawirrada: Sida diirran ee madaxweynaha maanta loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In