Wadatashi waa nidaam aasaasi ah oo aan looga maarmin in la helo talo loo dhan yahay oo lagu dhiso maamul bulshao iyo mid dowladnimo, oo horseeda in la gaaro xal oo loo daneeyo umadda.
Marka laga yimaado shirkii wadatashiga ee hiigsiga cusub oo ahaa kii ugu dambeeyay ee dhacay 2015-kii,waxaa afartii sano ee la soo dhaafay gudaha dalka iyo dibadda ka qabsoomay kulammo u dhexeeyay madaxda Dowladda Fedraalka ah, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha caalamka,kuwaas oo la xiriiray sii ambaqaadidda qodobo horay u degsanaa oo ay ka mid ahaayeen xoojinta amniga,kobcinta dhaqaalaha, dedejinta dhismaha ciidamado isku dhafka ah iyo qaabka ugu habboon ee loo suurtagelin karo dhameystirka dastuurka iyo qabsoomidda doorashooyin la isla wada ogol yahay .
Inkastoo sanadkii tagay iyo horaantii sanadkaan ay dhaceen buuq iyo hakad hareeyay shirar dhowr ah,haddana,kualamadaasi wadatashiga waxay soo mareen marxaladaha soo socda:-
December 6, 2017-kii waxaa Magaalada London lagu qabtay wajiga 2-aad ee shirkii wadatashiga arrimaha Soomaliya, waxaana kulankaasi uu noqday mid miro dhal ah, Kadib kolkii dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay soo bandhigeen sida ay u arkaan in lagu gaari karo xalka Soomaaliya,gaar ahaan mustaqbalka dhow .
18-kii Agoosto 2018-kii waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii wadatashiga oo ku saabsanaa diyaarinta hannaanka qaran ee dib u heshiisiinta Soomaaliya.
15-kii Maarso 2020 ,waxaa Magaalada Garowe lagu qabtay shir wadatashi ah oo ay ka qeybgaleen xubnaha Puntland ku matala Dowladda Federaalka ee Soomalaiy,waxaana shirkaasi lagu fallanqeeyay xal u helidda khilaafka u dheeyay Dowladda Federaalka iyo kan Puntland.
September 17, 2020 waxaa qabsoomay Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ,kaas oo ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17-kii,waxaana uu daba socday shirar ka dhacay Dhuusamareeb oo lahaa wajigii koowaad,labaad iyo sadexaad.
February ,3- 5-tii , 2021,waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka dhacay shirkii wadatashiga ee Madaxweynaha iyo madaxda maamul-goboleedyada ,wuxuuna gabagabadii keenay khilaaf dhaliyay in lagu kala dareero.
10-16-kii Febaraayo 2021-ka ,waxaa Magaalada Baydhabo lagu qabtay Shirka Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka,kaas oo looga hadlay wax ka qabashada cabashooyin laga soo gudbiyay, qaar ka mid ah xubnaha guddigga doorashooyinka ,,kuraasta Somaliland,Xaaladda Gobolka Gedo ,Adkaynta qoondada haweenka iyo diyaarinta Jadwalka qabsoomidda doorashada.
12-kii Apriil ee sanadkaan,,Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyay muddo laba sano ah oo lagu kordhiyay muddo xileedka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo,taasina waxay dhalisay in tallaabadaasi ay diidaan madaxda mucaaradka iyo beesha caalamka.
1-dii May 2021, Madaxweyne Farmaajo ayaa Golaha Shacabka ka dalbaday in laga noqdo xeerkii muddo kordhinta,wuxuuna arrimaha doorashooyinka ku wareejiyayRa’iisul Wasaare Rooble,iyadoo isla maalintaasi Golaha Shacabka ay laaleen muddo kordhintaasi.
Haddaba,Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan wadatashi oo la xiriiray dhameystirka shirar taxane ahaa iyo qabashada hannaan doorasho oo ay ku wada qancaan Madaxda Dowladda Federaalka, kan Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Shirkaan oo socday mudadii u dhaxeysay 22-ka illaa 26-ka bishaan,waxaa saxiixa heshiiska doorashooyinka dalka qallinkana ku duugay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble,Madaxweyneyaasha Dowladgoboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Waxaa dhab ah in hogaamiyaasha dalka ay la yimaadeen isu tanaasul iyo wax wada qabsi ku aadan qaabka loo socodsiinayo arrimaha doorashooyinka ,iyadoo la qaadayo hal waddo oo lagu ilaaliyo danta guud ee dadka iyo dalka .
Biseylka siyaasadeed ee ka muuqda madaxda Soomaalida iyo waaya aragnimada bulshada ee laga dhaxlay waqtiyadii la soo maray,waxay na tusayaan in xilligaan laga gudbay caqabado iyo turaanturooyin ku gudbanaa geedi socodka arrimaha doorashooyinka dalka.
Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah oo ka duwanaa shirarkii hore, una dhacay si habsami leh ,waxa uu suurtagaliyay in loo hogaansamo shuruucda dalka, laguna dhaqaaqo qabashada doorashooyin madaxtinimo oo horseedda dhismaha dowlad sal adag oo u adeegta dadka ,dalkana gaarsiisa barwaaqo.
Bacdamaa, wadatashigu uu yahay mid qeyb ka ah aasaaska hannanka dowladnimo,isla markaana lagu saxo maaulka qaranimo,waxaa xaqiiqo ah in hogaamiyaasha Soomaalida waqtigaan ay garteen danta guud,loona xilsaaran karo masiirka umadda iyo horumarka dalka.
Wadatashiyada xilligaan ee ka dhacay gudaha Dalka Soomaaliya,waxa ay keenayaan in dadka Soomaaliyeed ku midoobaan dantooda,isla markaana laga baxo marxaladda cakiran ee siyaasadda, colaadaha sokeeye iyo in la xoojiyo dhismaha Qaranka Soomaaliya.
Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa,sidaa aawaded, waxaa farxad ah in gunaanadkii shrka ay ka soo baxeen go’aanno qiimo leh oo wax dhisa iyo xal waara oo lagu badbaadiyo qaranka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn shacbiga Soomaaliyeed waxa la gudboon in ay ka qeybqaataan horumarka dalka,gacanna ka geystaan dadaalka dowladdu ay ugu jirto soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta sharciga.
W/Qoray Shire Xasan Kulmiye