Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Talyaaniga oo qaabilay 162 Muhaajiriin oo looga soo qaaday liibiya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Talyaaniga oo qaabilay 162 Muhaajiriin oo looga soo qaaday liibiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Talyaaniga ayaa markii u horresay qaabishay 162 Muhaajiriin ah oo lau soo qaaday laba Diyaaradood nooca Ciidamada ah oo ay leeyihiin Ciidamada Taliyaaniga, kuwaasi oo si toos ah looga soo qaaday caasimadda liibya ee Tripoli.

TV-ga Dowladda liibya ayaa sheegay in mid ka mid ah labada diyaaradood ay saarnaayeen 108 muhaajiriin, halka midda kale ay saarnaayeen 54 muhaajiriin ah, waxaana soo dhaweyntooda ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Taliyaaniga Marko Minniti iyo masuul ka socday Hey,adda Qaxootiga Aduunka UNHCR oo lagu magacaabo Vincent Cochtel.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Shir jaraaid uu ku qabtay dalka Taliyaaniga MR Marco Minniti waxa uu sheegay in tani ay tahay mid bilow ah,isagoo xusay inay sii wadi doonaa howlaha gurmadka, lana kaashanaya Hey,adda Arrimaha Qaxootiga Aduunka.

Vincent Cochtel ayaa dhankiisa sheegay in howshan ay tahay tii ugu horreysay oo ay hey,adda qaxootiga ku guuleysato, taasi oo ah in ay si toos ah Wadanka Libya kaga soo daabusho muhaajiriin danyar oo ay dhibaato ka muuqato.

Wuxuu intaasi ku daray in la qabtay dad badan oo si sharci darro ah uga shaqeynayay howlaha Tahriibka.

Muhaajiriintani laga soo qaaday Dalka Libya ayaa kasoo kala jeeda Dalalka Eritrea, Ethopia, Somalia iyo Yemen, waxayna dhammaantood codsiyo magangalyo bani,aadinimo waydiisteen Dowladda Taliyaaniga.

Previous Post

Mahmoud Abbas oo baaq u diray  Midowga Yurub.

Next Post

Furshado shaqo oo ka Banaan Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya.

Next Post
Furshado shaqo oo ka Banaan Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya.

Furshado shaqo oo ka Banaan Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya.

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In