Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tarmayaasha Degmada Yaaqshiid oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tarmayaasha Degmada Yaaqshiid oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulanka lix iyo tobnaad oo ah wareegga labaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Garoowe Vs Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Nugaal iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026
Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Garoowe Vs Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Garoowe

Tartameyaasha Degmada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, waxaana ay iska qaldeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Yaaqshiid, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garoowe ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaashiid ee gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex  su’aal, iyagoo iska qaldeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal suaal oo soo hareer martay Garoowe, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Labada tartame ayaa isku garab dhacay, waxaana lagu daray su’aalo dheeri ah oo min hal ah, si loo kala saaro, iyadoo su’aalaha lagu bilaabay tartamayaasha Degmada Garoowe balse waa ay iska qaldeen su’aashii la weydiiyay, waxaana ka faa’iideystay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale Yaaqshiid ayaa dhankooda la weydiiyay su;aashii sideedaad waana ay ka jawaabeen si sax ah.

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, kadib markii ay ku badiyeen 12 dhibcood halka Garoowe ay la timid 8 dhibcood.

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

 

Previous Post

Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka "SAWIRRO"

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, ayaa...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In