Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamayaasha degmada Kaaraan oo u soo gudbay wareega xiga ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha degmada Kaaraan oo u soo gudbay wareega xiga ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka, halka dhageystayaasha ay kala socdaan Idaacadda, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad oo is xiga Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartanka ku balansanaa tartamayaasha degmooyinka Garoowe Vs kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Nugaal iyo Banaadir, iyadoo ay soo xaadiri waayeen tartamayasha degmada Garoowe.

Guddoomiyaha Guddiga Tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa caawa sharxay sababta keentay in tartamayaasha degmada Garoowe ee gobolka Nugaal ay u soo xaadiri waayeen, oo uu ku sheegay inay cudur daar sheegteen, balse laga qanciyay, inkasta oo ay soo buuxin waayeen markii dambe sharuucda tartanka u degsan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa sheegay in tartamayasha degmada Garoowe ay caawa soo xaadiri waayeen tartanka, isla markaana ay jebiyeen qodob ka mid ah sharciyadii tartanka u degsanaa, waxaana uu intaa ku daray in Guddiga ay ka fariisteen arrinta laga yeelayo tartamayaasha degmada Garoowe, taasi oo u soo baxday in dhibcaha si fudud caawa ku qaataan tartamayaasha degmada Kaaraan, maadaama dhinacii la tartami lahaa ay soo xaadiri waayeen.

“Sharuuradaha tartanka waxaa ka mid ah in degmo weliba ay 24 saac ka hor soo gudbiyaan tartanka inay ka qeyb galayaan, laakiin tartamayaasha degmada Garoowe markii hore diyaar ayay ahaayeen, laakiin markii dambe cudur daar ayay sheegteen, waxaana ku qancinay inay kaqeyb galaan ilaa caawa sacaddu markii ay ahayd 8:00 pm fiidnimo ayaana la sugayay, balse Guddiga waxa ay go’aansadeen in dhibcaha ay siiyaan tartamayaasha degmada Kaaraan oo caawa u soo xaadiray ka qeyb galka tartanka”ayuu yiri Maxamed Abuukar Ma’da oo hadalkiisa ku daray in tartamayaasha degmada Kaaraan ay u soo gudbineen wareegga xiga.

Habeen dambe oo ah habeenka 8aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Kismaayo Vs Heliwaa oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Benaadir .

 

Previous Post

Taliyaha ciidanka Asluubta oo shir muhiim ah uga qeyb galay Austria “SAWIRRO”

Next Post

Maxkamadda Degmada Hodan oo baafinaysa shaqsiyaad

Next Post
Maxkamadda Degmada Hodan oo baafinaysa shaqsiyaad

Maxkamadda Degmada Hodan oo baafinaysa shaqsiyaad

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In