Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Boondheere oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Barnaamijyada, Wararka
0
Tartamayaasha Boondheere oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 23–aad ee wareegga Labaad kulankiisa 7-aad ku tartamay Degmooyinka Xarardheere iyo Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Benaadir. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Xarardheere iyo Boondheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Xarardheere

Tartameyaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Ma  jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xarardheere ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Boondheere

Tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Xarardheere, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boobdheere waxay noqotay Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 23-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sawir qaade:- KhadarCali Nuur

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo gaaray Degmada Cadale si uu u dardargeliyo howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta

Next Post

Soomaaliya oo lagu wareejiyay lacag loogu talagalay Maareynta Musiibooyinka

Next Post
Soomaaliya oo lagu wareejiyay lacag loogu talagalay Maareynta Musiibooyinka

Soomaaliya oo lagu wareejiyay lacag loogu talagalay Maareynta Musiibooyinka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In