Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 29-aad ee wareegga afar dhamaadka (Semi final) ayaa waxaa ku tartamay degmooyinka Yaaqshiid iyo Buula-burte oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Hiiraan. waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.
Tartameyaasha labada degmo ee Yaaqshiid iyo Buula-burte ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Yaaqshiid
Tartameyaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaas darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Yaaqshiid ay heleen waxay noqotay Lix (6) dhibcood.
Buula-burte
Tartamayaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareermartay dhigooda Yaaqshiid, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Buula-burte waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Hadaba kulankii 29-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga kama dambeysta ah ee tartanka (final) u soo gudubtay tartamayaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 29-aad ee tartanka, kulankiisa 30-aad waxaa ku tartami doona kaalinta 3aad degmooyinka Kismayo iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, halka kulanka kama dambeysta ah ( Final) ay ku tartami doonaan Degmooyinka Marko iyo Buula-burte oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose.