Wednesday, October 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa Tobnaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Buur-hakaba Vs Boosaaso oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Bari, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Buur-hakaba Vs Boosaaso ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Related posts

Wasiirka Deegaanka oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka

Wasiirka Deegaanka oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka

October 28, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

October 28, 2025

Buur-hakaba

Tartameyaasha Degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, waxaana ay iska qaldeen Hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Boosaaso, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Buur-hakaba ay heleen waxay noqotay lix iyo toban (16) dhibcood.

Boosaaso

Tartamayaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boosaaso waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka Kow iyo tobnaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Howlwadaag Vs Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Mudug.

 

Previous Post

Soomaaliya oo deeqdii seddexaad oo agab caafimaad ah ka heshay Dowladda Turkiga si looga hortago xanuunka Koroona feyrus “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhegeyso: Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Deegaanka oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka

Wasiirka Deegaanka oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka

October 28, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta safaaradda...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

October 28, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo furay tababar ku saabsan Habka Diyaarinta Miisaaniyadda ee Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo furay tababar ku saabsan Habka Diyaarinta Miisaaniyadda ee Wasaaradda

October 28, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

October 28, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In