Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo deeqdii seddexaad oo agab caafimaad ah ka heshay Dowladda Turkiga si looga hortago xanuunka Koroona feyrus “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo deeqdii seddexaad oo agab caafimaad ah ka heshay Dowladda Turkiga si looga hortago xanuunka Koroona feyrus “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta oo Isniin ah guddoontay deeqdii seddexaad oo kaalmo caafimaad oo ka timid Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Turkiga oo lagu soo gaarsiiyay Muqdisho labo diyaaradood milatari oo kuwa xamuulka ah si loo taageero dadaalka looga hortagayo, laguna xakamaynayo xanuunka Koroona feyrus.

Soomaaliya ayaa kaalmo agab caafimaad oo wax looga qabanayo Koroona feyrus ka kala heshay bisha cas ee Turkiga 17 April, Dowladda Turkiga 2 May, iyo maanta oo ah 4 May oo ay la wareegtay shixnado ay iska kaashadeen Dowladda Turkiga iyo hey’adaheeda oo ay ka mid tahay TİKA.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Shixnadaha kaalmooyinka agabka caafimaad oo huwanaa halkudhigga “rajo xumada waxaa ka dambeeya yididiilo weyn , mugdigana waxaa ka dambeeya qorax iftiin badan” ayaa waxaa wareejiyay Mudane Ozan PEKİN, Safiir kuxigeenka Turkiga iyo Galip YILMAZ, iskuduwaha barnaamijyada TİKA ee Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa agabkaasi dharka isku-joogga ilaalinta leh oo uu wehliyo ookiyaale, galoofyo iyo maaskaro, waxa kale ka mid ahaa 100 sariir oo loogu talogalay qeybta daryeelka degdegga ah ee Isbitaallada la tacaala xanuunkani oo ay ku deeqday hey’adda TİKA.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha, Dowladda iyo Shacabka Turkiga, isagoo bogaadiyay kaalmadooda caafimaad iyo garab istaaggooda Soomaaliya, waxaana uu ku nuux nuuxsaday qotodheerida xiriirka taariikhiga ah ee qadiimiga ah ee labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah u dhexeeya.

Turkiga waxa uu balanqaaday in caawinaado dheeraad ah oo agab caafimaad ah uu soo gaarsiin doono Soomaaliya oo ka qeyb ah ololihiisa bani’aadannimo ee damiirka dadnimo leh ee uu deeqo caafimaad oo lagu xakamaynayo cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus ku gaarsiiyay in ka badan 57 dal.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada oo kulan habka adeegga casriga ahee Internet la qaatay Dalladaha Waxbarashada Dalka

Next Post

Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In