Wednesday, September 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Ali Ahmed by Ali Ahmed
2 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 3-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Howlwadaag iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud , waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Howlwadaag iyo Ceeldheer ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔

September 1, 2026

Howlwadaag

Tartameyaasha Degmada Howlwadaag Garbahaareey ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Ceeldheer, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Howlwadaag ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Ceeldheer

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal oo kaliya, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Howlwadaag, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Ceeldheer waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.

Hadaba kulankii 3-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 4-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Kaxda iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir..

 

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo kulan casho la qaatay Ciidanka Danab oo dalka dibadiisa uga qeybgalay dhoolla-tus Milateri

Next Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo gaaray magaalada Paris

Next Post
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo gaaray magaalada Paris

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo gaaray magaalada Paris

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed barbar socday Shir-madaxeedka dalalka dhex-dhexaadka ah ee magaalada Belgrade,...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔

September 1, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay qabsoomidda Shirweynaha Madasha Qaran ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hay’ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

Ra’iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hay’ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

September 1, 2026
0

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Qatar, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka furmay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In