Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 7-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Boosaaso iyo Dharkeynley oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya
Tartameyaasha labada degmo ee Boosaaso iyo Dharkeynley ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Boosaaso
Tartameyaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boosaaso ay heleen waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.
Dharkeynley
Tartamayaasha Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay Boosaaso, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dharkeynley waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Dharkeynley ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka kadib markii ay tartanka kaga reebeen dhigooda Boosaaso, waxaana labada dhinac ay isugu hambalyeeyeen guusha iyo aqoonta ay ku tartameen.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 8-aad ee tartanka, waxaana ku tartami doona degmooyinka Marka iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.
Sawir Qaade:- Sakariye Shiddo