Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 24-aad oo ah wareegga saddexaad kulankiisa koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Dharkeynley Vs Boondheere oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Dharkeynley Vs Boondheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac intii uu tartanka socday.
Dharkeynley
Tartameyaasha Degmada Dharkeynley ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Boondheere, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dharkeynley ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.
Boondheere
Tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Dharkeynley, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boondhere waxay noqotay sideed (8) dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Dharkeyley ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka, iyadoo ay is arki doonaan tii soo baxda habeen dambe tartamayaasha Kismaayo iyo Garbahaareey.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 25-aad ee tartanka, waxaa foodda is dari doona degmooyinka Garbahaareey Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.