Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah (Final) ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 28-aad oo ah wareegga afar dhamaadka kulankiisa koowaad ku tartamay Degmooyinka Dharkeynley Vs Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dharkeynley Vs Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

March 7, 2026

Dharkeynley

Tartameyaasha Degmada Dharkeynley ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareertay dhigooda Garbahaareey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dharkeynley ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal oo kaliya, iyagoo iska qalday Lix su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbahaareey waxay noqotay Labo (2) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka, waxaana ay sugeysaa tii soo baxda degmooyinka Warta Nabadda iyo Buurhakaba.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 29-aad ee tartanka, waxaa foodda is dari doona degmooyinka Warta Nabadda Vs Buurhakaba oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Baay.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga qayb galay, magaalada Arusha ee dalka Tanzania, Meertada 25-aad ee...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

March 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa galabta magaalada Muqdisho si ramsi...

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

March 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahin Maxamed Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

March 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa furey Mashruucan oo ay ka faa’iideysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In