Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa taariikh u dhigay dhigooda Kaaraan, una soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa taariikh u dhigay dhigooda Kaaraan, una soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii sagaalaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Kaaraan Vs Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Mudug, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Kaaraan VS Gaalkacyo ayaa muujiyey tartan aad u adag oo noqday kii ugu dhibcaha badnaa, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Kaaraan

Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal ma jirin hal su’aal oo ay ka jawaabeen, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqotay eber (0) dhibcood, waxaana ay noqdeen taariikhda degmadii ugu horeysay ee eber la timaada inta uu tartantankan soo bilowday tan iyo sanadkii 2012-ka..

Gaalkacyo

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal suaal oo soo hareer martay Kaaraan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Gaalkacyo waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka tobnaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Marka Vs Hiliwaa oo ka kala tirsan Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir.

Sawir Qaade Qadar Cali Nuur

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Addis Ababa+Sawirro

Next Post

Dhageyso War Subax ee Radio Muqdisho 26-05-2018

Next Post
Dhageyso War Subax ee Radio Muqdisho 26-05-2018

Dhageyso War Subax ee Radio Muqdisho 26-05-2018

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In