Sunday, June 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 5-aad ee wareegga koowaad  ku tartamay Degmooyinka Wadajir iyo Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Wadajir iyo Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026

Wadajir

Tartameyaasha Degmada Wadajir ee Gobolka  Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ttodobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, halka ay iska qaldeen Shan  su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay  heleen tartameyaasha Wadajir, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Wadajir ay heleen waxay noqotay Afar (4)  dhibcood.

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey  ee Gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay  todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideesteen Labo su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Wadajir,  sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbahaareey waxay noqotay  Afar iyo Toban (14) dhibcood, taasi oo noqoneysa dhibcihii ugu badnaa ee ay degmo ku badiso inta uu tartanka furmay.

Hadaba kulankii 5-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Garbahaareeyy ee Gobolka Gedo, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd  30$ ka jawaabay  Cabdullaahi Cabdiwahaab Cabdullaahi oo jooga degmada Warta-Nabadda, kaasi oo ku guuleystay 30$ dollar oo abaalmarin ah oo ay bixineyso Bankiga IBS.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 6-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Hodan iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud.

Waa sawirada tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo 

Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo hirgelisay xarumaha Caafimaadka ee guurguura “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Muqdisho oo Casha sharaf u sameeyay maamulka iyo ciyaartoyda degaanka Gubadley

Next Post
Duqa Muqdisho oo Casha sharaf u sameeyay maamulka iyo ciyaartoyda degaanka Gubadley

Duqa Muqdisho oo Casha sharaf u sameeyay maamulka iyo ciyaartoyda degaanka Gubadley

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta ka guddoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta bilaabay diiwaangelinta iyo qabashada araajida musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa khudbad rasmi ah ka...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo hubkii sharci-darrada ahaa ee ay wateen maleeshiyaadkii soo weeraray Degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In