Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Shangaani Vs Hodan oo ka wada tirsan Gobollada Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Shangaani iyo Hodan iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin labada degmo.
Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Shangaani iyo Hodan waxey noqotay sidan:-
Shangaani
Tartamayaasha Degmada Shangaani sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Labo su’aal oo waxa ay iska qaldeen Shan, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha degmada Shangaani, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Shangaani ay heleen noqoneysaa 4 dhibcood (Afar dhibcood).
Hodan
Tartamayaasha Degmada Hodan waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal u’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Shangaani, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Hodan ka dhigeysaa inay heleen 16 dhibcood (Lix iyo toban dhibcood).
Hadaba kulankii 12aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Hodan ee gobolka Banaadir kuwaasi oo noqday degmadii ugu dhibcaha badneyd inta uu tartanka socday ee lagu badiyo, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi,
Habeen dambe oo ah habeenka 13aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Beladweyne iyo Warta Nabadda oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Benaadir.
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir