Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan oo ka tirsan lugta ugu dambeysa wareegga labaad ee tartanka ku dhexmaray degmooyinka Wadajir iyo Jawiil oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Hiiraan, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Wadajir iyo Jawiil waxey noqotay sidan:-
Wadajir
Tartamayaasha Degmada Wadajir sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen afar su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha degmada Wadajir, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Wadajir ay heleen noqoneysaa 6 dhibcood (Lix dhibcood).
Jawiil
Tartamayaasha Deegaanka Jawiil waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen saddex su’aal, waxa ayna ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha degmada Wadajir, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Jawiil ka dhigeysaa inay heleen 10 dhibcood (Toban dhibcood).
Hadaba kulankii 20aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga saddexaad u soo gudbay tartamayaasha degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka 21aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Baydhabo Vs Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir, waxaana kulankaasi uu noqonaa kulanka ugu horeeya ee wareegga saddexaad ee tartanka.
Halkan ka Dhageyso
Qeybta Koowaad ee Tartanka
Qeybta Labaad ee Tartanka