Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa saddexaad ee wareegga koowaad ku balansanaa Degmooyinka Jilib Vs Waaberi oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Yaxye Cali Faarax oo ka mid ah xubnaha guddiga tartanka oo furay barnaamijka ayaa u yeeray tartamayaasha labada degmo inay qadka ku jiraan iyo in kale, balse waxaa caawa soo xaadirtay oo kaliya tartamayaasha degmada Jilib, halka Waaberi ay soo xaadiri weysay.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Yaxye ayaa Barnaasheegay in tartamayaasha Waaberi ay soo xaadiri weysay tartamayaasha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, sida sharciga tartanka qabo tartamayaashii soo xaadiri weysay tartanka waxaa laga qaadayaa dhibcaha.

Guddoomiyaha Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed (Ma’da) oo ka hadlayay sababta ay u soo xaadiri weysay Tartamayaasha Waaberi ayaa sheegay in sharciga u degsan tartanka uu dhigayo in degmadii soo xaadiri weysa waqtgiga loogu talaglay Barnaamijka, si toos ah dhibcaha looga wareejin doono.

“Xoghayaha tartanka Cabaas Xaaji ayaa xaqiijiyay inaysan tartanka soo xaadiri doonin Waaberi, sidoo kale aniga ayaa la xiriiray, sida sharciga noo yaala, haddii la waayo mid ka mid ah tartamayaasha oo ay soo xaadiri waayaan, waxaan dhibcaha sida fudud ku siinaa kuwa soo xaadiray ee xaqqa u leh, caawana sidaas ayaan ku siinay tartamayaasha Jilib oo caawa si fudud ugu soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Hadaba kulankii 3aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Jilib ee gobolka Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo saddexda dhibcood ku helay si dhib la’aan ah.

Habeen dambe oo ah habeenka 4aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Dharkeynley iyo Marka oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Previous Post

Tirada dhimashada qarax maanta lala eegtay gaari minibus ah oo ku sii jeeday Jowhar oo gaartay 21 qof

Next Post

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda oo si adag loogu jawaabay Qoraaladii ka soo yeeray Beesha Calaamka

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda oo si adag loogu jawaabay Qoraaladii ka soo yeeray Beesha Calaamka

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In