Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tirada dhimashada qarax maanta lala eegtay gaari minibus ah oo ku sii jeeday Jowhar oo gaartay 21 qof

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Roadside bomb kills 17 civilians in Middle Shabelle region .
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Balcad ku sugan ayaa ku soo waramaya tirada dhimashada gaariga shacabka saarnaayeen ee ay maanta qaraxa la eegteen dhagar qabayaasha Al-Shabaab ay gaartay 21 qof, kadib markii afar qof oo dhaawac ka soo gaaray falka qaraxa ay ku nafwaayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo dhaawac ahaan loogu qaaday.

Gaariga oo ahaa minibus ka baxay Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Jowhar ayaa miino nuuca dhulka lagu aaso ah oo ay dhigeen argagixisada Al-Shabaab kula qaraxday inta u dhexeysa Jowhar iyo Balcad, waxaana goobta ku naf weysay 17 qof oo shacab ah, halka afar qof oo kale ay dhaawacyo ka soo gaareen sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay wadihii gaariga oo falka ka badbaaday, waxaana haatan lagu soo waramayaa in afarta qof ay u dhinteen dhaawicii ka soo gaaray qaraxa, taasi oo tirada guud ka dhigeysa 21 qof.

Related posts

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026

Waddada xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo lala beegsaday gawaari ay saarnayeen dad rayidka ah oo waddada ku safrayay, kuwaasi oo ay ka dambeeyeen argagixisada Al-Shabaab oo caadi ka dhigay xasuuqa Ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post

Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Next Post
Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdifaatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In