Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamayaasha degmada Kaxda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO+DHAGEYSO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha degmada Kaxda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO+DHAGEYSO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka, halka dhageystayaasha ay kala socdaan Idaacadda, uuna taaba gelineyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Shibis Vs Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Guddoomiye ku-xigeenka tartanka Mustaf Maxamed Axmed Warcadeeye ayaa tartamayaasha degmada Shibis u jeediyay digniin ah inay ilaaliyaan sharuucda u degsan barnaamijka, oo ay codka kor u qaadaan.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐š๐ฆ๐›๐š๐›๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ

August 26, 2026
Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

August 26, 2026

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar suโ€™aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Shibis iyo Kaxdaย  iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin.

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Shibis iyo Kaxda waxey noqotay sidan:-

Shibis

Tartamayaasha Degmada Shibis sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Suโ€™aal, waxaana suโ€™aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeenย Halย suโ€™aal oo waxa ay iska qaldeenย lixย suโ€™aal,ย  mana jirin wax ka faaโ€™iideysi ah oo ay heleen, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Shibis ay heleen noqoneysaaย 2ย dhibcood (Labo dhibcood).

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Suโ€™aal,ย  suโ€™aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeenย Saddexย suโ€™aal, ย halka ay iska qaldeenย 4 uโ€™aal, waxa ay si ka faaโ€™iideysi ah u heleen hal suโ€™aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Shibis, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Kaxda ka dhigeysaa inay heleenย 8ย dhibcood (Sideed dhibcood).

Hadaba kulankii 3aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka afaraad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Wadajir iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Galgaduud.

Halkan ka dhageyso

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Qeybta-koowaad-ee-tartanka-.mp3 http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Qeybta-labaad-ee-tartanka-.mp3

Tartan aqoooneedka

DSC05003 DSC05005 DSC05007 DSC05008 DSC05014 DSC05016 DSC05020 DSC05023 DSC05027 DSC05036 DSC05038 DSC05040 DSC05042 DSC05044

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

War murtiyeedkii laga soo saaray kulankii madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Kenya

Next Post
War murtiyeedkii laga soo saaray kulankii madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Kenya

War murtiyeedkii laga soo saaray kulankii madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Kenya

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐š๐ฆ๐›๐š๐›๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐š๐ฆ๐›๐š๐›๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ

August 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad...

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

August 26, 2026
0

Doontaan oo ay saarnaayeen 55 Muhaajiriin ah oo u badnaa Soomaali oo ay ku jireen Mudaaniin u dhashay dalka Masar...

Hayโ€™adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

Hayโ€™adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

August 26, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka qabsoomay kulan lagu daah-furayay mashruuca CAPSOM II, kaas oo diiradda lagu saaray...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabeelle, Mudane Nuur Xasan Muuse (Jaake), ayaa maanta kormeer shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In