Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamayaasha degmada Kismaayo oo caawa xaqiijiyay inay u soo gudbeen wareegga xiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha degmada Kismaayo oo caawa xaqiijiyay inay u soo gudbeen wareegga xiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa caawa wareegiiisa saddexaad waxaa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka C/casiis Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Jubbada Hoose, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa tartamayaasha labada degmo waxa ay muujiyeen tartan wanaag oo ku dhisan aqlaaq iyo aqoon.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Natiijada tartankii dhexmaray xalay tartamayaasha degmooyinka C/casiis iyo Kismaayo waxey noqotay sidan:-

C/casiis

Tartamayaasha Degmada C/casiis sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Hal su’aal oo waxa ay iska qaldeen Lix, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha C/casiis, wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada C/casiis ay heleen noqoneysaa 2 dhibcood (Labo dhibcood).

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada C/casiis, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Kismaayo ka dhigeysaa inay heleen 10 dhibcood (Toban dhibcood).

Tartamayaasha degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka, iyadoo labada tartame ay isugu hambalyeeyeen guusha midba midda kale ka gaartay.

Habeen dambe waxaa ku tartami doono tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Degmooyinka Garbahaareey iyo Boosaaso oo ka kala tirsan gobollada Gedo iyo Bari.

DSC05774 DSC05779 DSC05783 DSC05788 DSC05793 DSC05796 DSC05797  DSC05799 DSC05785 DSC05786 DSC05805DSC05806 DSC05808 DSC05818 DSC05819 DSC05820 DSC05822 DSC05824 DSC05825 DSC05827 DSC05828

Sawir Qaade:-Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Dhageyso Barnaamij ka hadlaya halgankii xornimada dalka

Next Post

Majmaca Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo carruur agoon ah abaalmariyay “SAWIRRO”

Next Post
Majmaca Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo carruur agoon ah abaalmariyay “SAWIRRO”

Majmaca Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo carruur agoon ah abaalmariyay "SAWIRRO"

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In