Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 30-aad ayaa waxaa Kaalinta 3aad ku tartamay degmooyinka Yaaqshiid iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose. waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.
Tartameyaasha labada degmo ee Yaaqshiid iyo Kismaayo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Yaaqshiid
Tartameyaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaas darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Yaaqshiid ay heleen waxay noqotay Lix (6) dhibcood.
Kismaayo
Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Yaaqshiid, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Hadaba kulankii 30-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa kaalinta 3aad ku guuleysatay tartamayaasha degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.