Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa wareegiiisa labaad tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Kaaraan Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa tartamayaasha labada degmo waxa ay muujiyeen tartan wanaag oo ku dhisan aqlaaq iyo aqoon.
Natiijada tartankii dhexmaray xalay tartamayaasha degmooyinka Kaaraan iyo KismaayoΒ waxey noqotay sidan:-
Kaaraan
Tartamayaasha Degmada Kaaraan sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Suβaal, waxaana suβaallihii la weydiiyey ay ka jawaabeenΒ HalΒ suβaal oo waxa ay iska qaldeenΒ Lix, mana jirin wax ka faaβiideysi ah, wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Kaaraan ay heleen noqoneysaaΒ 2Β dhibcood (Labo dhibcood).
Kismaayo
Tartamayaasha Degmada Kismaayo Β waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Suβaal,Β suβaallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeenΒ SaddexΒ suβaal,Β halka ay iska qaldeenΒ afarΒ suβaal, mana jirin wax ka faaβiideysi ah oo ay heleen tartamayaasha degmada Kismaayo,Β waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Kismaayo ka dhigeysaa inay heleenΒ 6Β dhibcood (Lix dhibcood)..
Hadaba kulankii 18aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga saddexaad u soo gudbay tartamayaasha degmada Kismaayo ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka 19aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartamiΒ doona degmooyinka Garbahaareey iyo Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Benaadir.

Sawir Qaade:-Farxaan Suleymaan Daahir
Β
Β












