Friday, May 27, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Shibis oo kaalinta saddexaad ee tartanka ku guuleystay “SAWIRRO”

June 13, 2018
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulanka todobo iyo labaatanaad oo ah kaalinta 3aad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Hodan Vs Shibis oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Hodan Vs Shibis ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022

Hodan

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, halka ay iska qaldeen afar su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Shibis

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen lix  su’aal, iyagoo iska qalday hal su’aal, waxana ay ka faa’iideysteen hal su’al oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Hodan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Shibis waxay noqotay afar iyo toban (14) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay kaalinta saddexaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka sideed iyo labaatanaad ee tartanka, waxaa kulanka ugu dambeeya ee kama dambeysta ah (Final) ku tartami doono tartamaayasha degmooyinka Warta Nadda Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose.

Sawir Qaade: Qadar Cali Nuur

Previous Post

Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta oo kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka Ammaanka ay ku leeyihiin Duleedka Muqdisho “Sawirro”

Next Post

R/wasaare Kheyre oo Caawa Kormeeray Qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed “Sawirro”

Next Post
R/wasaare Kheyre oo Caawa Kormeeray Qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed “Sawirro”

R/wasaare Kheyre oo Caawa Kormeeray Qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed “Sawirro”

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga...

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan kaasi oo ay ku baacsanayeen...

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

May 27, 2022
0

Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan...

Madaxweye JFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa

Madaxweynaha JFS oo u mahadceliyay guddiyadii doorashooyinka dalka

May 27, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In