Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Wadajir oo caawa tartanka ka reebay difaacayaasha tartanka sanadkii hore qaaday ee Xamar Jajab “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 24, 2020
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Wadajir oo caawa tartanka ka reebay difaacayaasha tartanka sanadkii hore qaaday ee Xamar Jajab “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii koowaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Wadajir Vs Xamar Jajab oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Wadajir Vs Xamar Jajab  ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Wadajir

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, iyagoo iska qalday saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay Xamar Jabjab,  sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ee gobolka Benaadir oo ah tartamayaasha sanadkan difaacanaya maadaama ay ku guuleysatay tartanka sanadkii hore ayaa waxaa dhankooda la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal  su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Wadajir, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Sida sharciga tartanka uu dhigayo mar haddii labada degmo ay isku dhibco noqdaan, waxaa tartanka lagu daraa su’aalo dheeraad ah si loo kala saaro labada degmo ee loolamaya, waxaana su’aalaha dheeriga ah lagu daray ku guuleystay tartamayaasha degmada Wadajir oo keensatay 14 dhibcood, kadib markii ay ka jawaabeen su’aashoodii la weydiiyay, ayna ka faa’iideysteen su’aal kale oo dheeraad ahayd.

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka labaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Beladweyne Vs Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Banaadir.

 

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdiweli Seed

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

R/wasaare Khayre oo khadka telfoonka kula hadlay dhiggiisa Kuwait

Next Post
R/wasaare Khayre oo khadka telfoonka kula hadlay dhiggiisa Kuwait

R/wasaare Khayre oo khadka telfoonka kula hadlay dhiggiisa Kuwait

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In