Sunday, June 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamayaasha degmada Wadajir oo caawa u soo gudbay wareegga xiga โ€œSAWIRRO+DHAGEYSO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 10, 2016
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha degmada Wadajir oo caawa u soo gudbay wareegga xiga โ€œSAWIRRO+DHAGEYSO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

DSC05074

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka, halka dhageystayaasha ay kala socdaan Idaacadda, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Dhuusamareeb Vs Wadajir oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Benaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka Mustaf Maxamed Axmed Warcadeeye ayaa digniin u diray tartamayaasha degmooyinka Wadajir iyo Dhuusamareeb, isla markaana ka codsaday inay ilaaliyaan sharuucda u degsan tartanka.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar suโ€™aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Dhuusamareeb iyo Wadajirย  iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin.

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Dhuusamareeb iyo Wadajir waxey noqotay sidan:-

Dhuusamareeb

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Suโ€™aal, waxaana suโ€™aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeenย Laboย suโ€™aal oo waxa ay iska qaldeenย Shanย suโ€™aal,ย  mana jirin wax ka faaโ€™iideysi ah oo ay heleen, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Dhuusamareeb ay heleen noqoneysaaย 4ย dhibcood (Afar dhibcood).

Wadajir

Tartamayaasha Degmada Wadajir waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Suโ€™aal,ย  suโ€™aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeenย Saddexย suโ€™aal, ย halka ay iska qaldeenย 4ย uโ€™aal, waxa ay si ka faaโ€™iideysi ah u heleen hal suโ€™aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Dhuusamareeb, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Wadajir ka dhigeysaa inay heleenย 8ย dhibcood (Sideed dhibcood).

Hadaba kulankii 4aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka Shanaad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Jowhar iyo Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Mudug.

Halkan ka dhageyso tartanka

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Qeybta-Kowaad-ee-tartanka-.mp3 http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Qeybta-labaad-ee-tartanka-1-1.mp3

DSC05059 DSC05063 DSC05064 DSC05065 DSC05066 DSC05068 DSC05073 DSC05074 DSC05075 DSC05078 DSC05083 DSC05089 DSC05092 DSC05096 DSC05098 DSC05099 DSC05104 DSC05106 DSC05107 DSC05108

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Related posts

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

June 1, 2025
๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐Ÿ๐š-๐ ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda aan...

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐Ÿ๐š-๐ ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐Ÿ๐š-๐ ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayay Raโ€™iisul Wasaare ,Mudane...

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye...

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr. Hassan Sheikh Mohamud oo ka ambaaqaaday gogoshii uu horey ugu dhawaaqay ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In