Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad oo xiriir ah Maamulka Gobolka Benaadir ayaa caawa kama dambeyta ah waxaa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Yaaqshiid Vs Warta Nabadda oo ka wada tirsan Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa tartamayaasha labada degmo waxa ay muujiyeen tartan wanaag oo ku dhisan aqlaaq iyo aqoon.
Natiijada tartankii dhexmaray xalay tartamayaasha degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta Nabadda waxey noqotay sidan:-
Yaaqshiid
Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Hal su’aal oo waxa ay iska qaldeen Lix, mana jirin wax ka faa’ideysi ah oo ay heleen Boosaaso, wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Yaaqshiid ay heleen noqoneysaa 2 dhibcood (Labo dhibcood).
Warta Nabadda
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Labo su’aal, halka ay iska qaldeen shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay tartamaayasha degamda Yaaqshiid, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Warta Nabadda ka dhigeysaa inay heleen 6 dhibcood (Lix dhibcood).
Tartamayaasha degmada Warta Nabadda ayaa caawa ku guuleysatay tartan cilmiyeedka Warbaahitna Qaranka ee sanadkan, iyadoo labada degmo ay isugu hambalyeeyeen guusha.
Sawir Qaade:-Farxaan Suleymaan Daahir