Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisaย 14aadย ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Warta Nabadda Vs Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangigaย IBS.
Tartameyaasha labada degmo eeย Warta Nabaddaย Vsย Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Warta Nabadda
Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shanย suโaal, halka ay iska qaldeenย Labo ย suโaal, ma jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen Warta Nabadda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay Toban ย (10) dhibcood.
Kaxda
Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeen Labo suโaal oo kaliya, waxa ay iska qaldeen Shan suโaal, iyana dhankooda ma jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay Afar (4) dhibcood.
Hadaba kulankiiย 14aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir,ย ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenkaย 15aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Garoowe iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Nugaal iyo Banaadir.













