Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan oo ka tirsan wareegga labaad ee tartanka ku dhexmaray degmooyinka Boondheere ย iyo Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar suโ€™aal waxaa xalay dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Boondheereย ย iyo Warta Nabadda iyo sidoo kale waxyaabaha ay caanka ku yihiin oo ay ku cabireen hab suugeed.

Related posts

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

January 26, 2026
๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

Natiijada tartankii dhexmaray caawaย tartamayaasha degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda waxey noqotay sidan, iyadoo tartankii caawa uu ahaa kii ugu xiisaha badnaa ee la qabto inta uu tartanku bilowday:-

Boondheere

Tartamayaasha Degmada Boondheere sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Suโ€™aal, waxaana suโ€™aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Labo suโ€™aal oo waxa ay iska qaldeen Shan suโ€™aal,ย  halka ay ka faaโ€™iideysteen Hal suโ€™aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Warta Nabadda, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Boondheere ay heleen noqoneysaaย 6ย dhibcood (Lix dhibcood).

Warta Nabadda

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Suโ€™aal,ย  suโ€™aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen afar suโ€™aal,ย  halka ay iska qaldeen saddex suโ€™aal,ย  mana jirin wax ka faaโ€™iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha degmada Warta Nabadda, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Warta nabadda ka dhigeysaa inay heleenย 8ย dhibcood (Sideed dhibcood).

Hadaba kulankii 15aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega saddexaad u soo gudbay tartamayaasha degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 16aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Boosaaso iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Jubbada hoose.

Halkan ka dhageyso

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/07/Tartanka-caawa-03-07-2015.mp3
Previous Post

Maareeye โ€œDowladda Federaalka waxey ammaaneysaa isla markaasna dhiirigelineysaa shacabka deegaannada Gobollada Dhexe oo u istaagay aayahooda.โ€

Next Post

Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maanta Cadaado ka dhacaysa

Next Post
Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maanta Cadaado ka dhacaysa

Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maanta Cadaado ka dhacaysa

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

January 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In