Friday, June 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maareeye “Dowladda Federaalka waxey ammaaneysaa isla markaasna dhiirigelineysaa shacabka deegaannada Gobollada Dhexe oo u istaagay aayahooda.”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 3, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

03 July 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey nidaamka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo la filayo maalinta berri ah ee 4ta July 2015 in doorashada Madaxweynaha GalMudug ay qabsoonto, ayaa yiri “Dowladda Federaalka waxey ammaaneysaa isla markaasna dhiirigelineysaa shacabka deegaannada Gobollada Dhexe oo u istaagay aayahooda.”

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dadaalka dadka deegaanka ee Gobollada Dhexe oo ay aayahooda uga tashanayaan uu mudan yahay ammaan iyo dhiirigelin, bacdamaa ay ku guuleysteen in Madax Dhaqameedka ay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka GalMudug kaas oo ku yimid, isu Samir, isu dulqaadasho, is faham iyo is qancin. Dowladda Federaalka waxey aad ugu faraxsantahay sida ay dadka deegaanka ula shaqeeyeen Dowladda Federaalka iyo dhammaan qeybaha bulshada ee deegaanada Gobollada Dhexe.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025

Ujeedada hirgelinta nidaamka Federaalka ayaa ah in maamulka Dowliga ah la gaarsiiyo heer gobol, heer degmo iyo heer tuulo si dadka deegaanka loo siiyo fursad ay aayahooda uga tashadaan. Dowladda Federaalku waxey soo dhoweyneysaa, dhiirigelineysaa, isla markaasna ammaaneysaa sida uu u qabsoomay shirka maamul u sameynta GalMudug. Dowladda Federaalku waxey ugu baaqeysaa dhammaan shacabka deegaanka Gobollada Dhexe inay si buuxda u taageeraan maamulka cusub oo shaqsi walba oo ku guuleysta xilka Madaxweynenimana ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Mudadii uu socday shirka maamul u sameynta waxaa xusid mudan sida ay u dhaqmeen Baarlamaanka, Madax Dhaqameedka iyo dhammaan qeybaha bulshada kuwaas oo suurtogeliyey in shirka uu noqdo mid guuleysta. Maamulka Ximin iyo Xeeb oo martigeliyey shirkana waxey ku ammaanan yihiin doorka muhiimka oo ay ka qaateen si uu shirka u guuleysto.

“Sidoo kale waxaa aammaan mudan sida shaqsiyaadkii isu soo sharaxay xilalka Madaxtinimada GalMudug ay u dhaqmeen oo runtii la oran karo waa hab iyo nidaam dimoqraadiyad ku dhisan oo la is dhageystay, la wada hadlay, la dooday, la isu samray, oo danta guud marwalba ay ka eegayeen. Waxaan rajeyneynaa in tartanka berri oo ah 4ta July uu noqdo mid si hagaagsan u dhaca oo shaqsi walba uu ogaado inuu yahay mid guuleystay, bacdamaa dhammaan musharaxiinta ay doonayeen inay u adeegaan dadka deegaanka, isla markaasna cidii ku guuleysata ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan.”
DHAMAAD

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “Dhageyso”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “Dhageyso”

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka "Dhageyso"

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay...

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In