Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 10-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Howlwadaag iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Mudug, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Howlwadaag iyo Xarardheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Howlwadaag
Tartameyaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Howlwadaag ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Xarardheere
Tartamayaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, iyagoo iska qalday Hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Howlwadaag, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xarardheere waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.
Hadaba kulankii 10-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd 30$ ka jawaabay Mahad Cismaan oo jooga degmada Dharkeynley, kaasi oo ku guuleystay 30$ dollar oo abaalmarin ah oo ay bixineyso Bankiga IBS.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 11-aad ee tartanka waxaa ku tartami doona degmooyinka Deyniile iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose.
Sawir qaade: Khadar Cali Nuur