Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Madaxa Golaha Warbaahinta Turkiga oo si wada jir ah u daahfuray qeybta cusub ee TRT

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Madaxa Golaha Warbaahinta Turkiga oo si wada jir ah u daahfuray qeybta cusub ee TRT
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Madaxa Golaha Warbaahinta Jamhuuriyadda Turkiga, Prof. Fahrettin Altun ayaa si rasmi ah magaalada Istanbul daaha uga rogay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Warbaahintaย  caalamiga ee TRT World ee Turkiga ee la hadli doonta Qaaradda Afrika.

Laantan cusub oo la yiraahdo TRT AFRIKA ayaa la hadli doonta ilaa 400 milyan oo daawadeyaal oo ku dhaqan Qaaradda Afrika iyo dalalka dibedda, waxaana barnaamijyada ka bixi doona ay isugu jiraan arrimaha siyaasadda, ganacsiga, fanka, dhaqanka, sayniska iyo tiknoloojiyadda, dhallinyarada iyo isboortiga.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Aasaasidda laantan cusub ee digitalka ee TRT AFRIKA ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka ka dhexeeya waddamada Afrika iyo dalka Turkiga.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada ka faaโ€™ideysan doona barnaamijyada iyo wararka ay TRT AFRIKA u tebin doonto Qaaradda Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sidoo kale isla munaasabadaas kaga qeybgaley Shirweynihii 1aad ee Ururka Warbaahinta Midowga Afrika iyo TRT, kaas oo looga hadley xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta warbaahinta Afrika iyo TRT.

Waxaa sidoo kale Wasiirka uu ka qeybgaley kulan lagu falanqeynayey xiriirka Afrika iyo Turkiga iyo doorka Warbaahinta ka qaadan karto iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa xusay in xiriirka Afrika iyo Turkiga uu sii xoogeysanayo, salna uu u yahay wax wadaqabsi iyo wadashaqeyn ay labada dhinac ka faaโ€™ideysan karaan, isagoo dhanka kalena faahfaahin ka bixiyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga iyo horumarka uu ku tallaabsadey 12kii sanno ee la soo dhaafey. Waxaa uu Wasiirka intaa ku darey in ilaa 38 dal oo Afrikan ah ay safaarado ku leeyihiin Turkiga, halka Turkigana uu ilaa 44 safaaradood ku leeyaha Qaaradda Afrika, taasna ay ka tarjumeyso muhimadda xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Xarardheere oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka โ€œSAWIRROโ€

Next Post

10 qpf oo ku dhaawacantay dab ka kacay kaalin shidaal oo ku yaala Degmada Caabudwaaq

Next Post
10 qpf oo ku dhaawacantay dab ka kacay kaalin shidaal oo ku yaala Degmada Caabudwaaq

10 qpf oo ku dhaawacantay dab ka kacay kaalin shidaal oo ku yaala Degmada Caabudwaaq

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In