Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 9aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Yaaqshiid Vs Jowhar oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.
Tartameyaasha labada degmo ee Yaaqshiid Vs Jowhar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Yaaqshiid
Tartameyaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Jowhar, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Yaaqshiid ay heleen waxay noqotay Toban iyo labo (12) dhibcood.
Jowhar
Tartamayaasha Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen labo su’aal oo kaliya, waxa ay iska qaldeen shan su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Jowhar waxay noqotay Afar (4) dhibcood.
Yaxye Cali Faarax oo ka mid ah guddiga tartanka ayaa sheegay in tartamayaasha Degmada Jowhar ay caawa ku kaceen fal anshax xumo ah oo hareer marsan sharciga tartanka u yaalo, sidaa darteed Guddiga anshaxa ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka laga sugayo inay tallaabo ka qaadaan tartamayaasha Degmada Jowhar.
Hadaba kulankii 9aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Habeen dambe oo ah habeenka 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Samareeb iyo Howlwadaag oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Banaadir.
Sawir qaade:- Khadar Cali Nuur