Tuesday, July 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga 4aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 28, 2019
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Kaxda oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Shan iyo labaatanaad ee wareegga saddexaad ku tartamay Degmooyinka Dhahar iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025

Tartameyaasha labada degmo ee Hodan iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Hodan

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Dhahar, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay  Toban (10) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Hodan, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay Toban iyo labo (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 25-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afaraad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 26-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona ilaa iyo afar degmo, iyadooo qeybta hore ay ku balansanyihiin Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, halka qeybta labaad ay ku loolami doonaan Degmooyinka Xamar Jajab iyo Howlwadaag oo iyana ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

 

Previous Post

Xukuumadda oo Dardar Gelinaysa Diyaarinta Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

Next Post

Ciidamada Myanmar oo mar kale ku dhaqaaqay dambiyo dagaal

Next Post

Ciidamada Myanmar oo mar kale ku dhaqaaqay dambiyo dagaal

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
0

Shirweynaha Spain–Africa 2025 ayaa ka furmay magaalada Madrid, iyadoo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee...

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xirtay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran...

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

July 7, 2025
0

The Ministry of Information, Culture and Tourism of the Federal Government of Somalia has officially concluded the two-day National Consultative...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo  mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

July 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In