Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 26-aad ee Wareegga 3-aad kulankii 2-aad ku tartamay Degmooyinka Gubadley iyo C/casiis oo ka wada tirsan Gobalka Benaadir. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Gubadley iyo C/casiis ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Gubadley
Tartameyaasha Degmada Gubadley ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal oo kaliya, Ma jirin wax ka faa’iideysi oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Gubadley waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
C/casiis
Tartamayaasha Degmada C/casiis ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal oo kaliya, Ma jirin wax ka faa’iideysi oo ay heleen sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada C/casiis waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.
Hadaba kulankii 26-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afar dhamaadka u soo gudbay tartamayaasha Degmada Gubadley ee Gobolka Benaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi, maadaama ujeedka tartanka uu yahay in lagu tartamo cilmi iyo Aqoon.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 25-aad ee tartanka waxaa is wajihi doona Degmooyinka Kismaayo iyo Buula-burte oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Hiiraan.

Sawir qaade:- Ciise Mukhtaar










