Sunday, May 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha ka qeyb galay tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka oo loo hambalyeeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka, Xulashada
0
Tartamayaasha ka qeyb galay tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka oo loo hambalyeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu soo gabo gabeynayay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkii shanaad tiigsaday, isla markaana sanadkii labaad uu taabo gelinayo maamulka Gobolka Banaadir ayaa caawa la soo gabo gabeeyay, iyadoo ay xiritaankii tartanka ay ka qeyb galeen Wasiirka Warfaafinta, Guddoomiye key-xigeenka Maamulka Gobolka ee dhanka Siyaasadda, Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka iyo xiriirka saxaafadda iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Mudane Ismaaciil Cumar Mukhtaar Oronge oo ugu horeyn goobta hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay in tartankii mudada 29-ka cisho socday caawa la soo gabo gabeeyo, waxaana uu intaa ku daray in tartankan ay ku tartameen 28 degmo ka tirsan gobolada dalka.

Related posts

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026

“Farxad ayay noo tahay in sanadkii shanaad ay Warbaahinta Qaranka uu u qabato bulshada Soomaaliyeed, markale waxaan u mahadcelineynaa Maamulka Gobolka oo sanadkii labaad taabo geliyay, intii kale ee ka qeyb qaadatay waan u mahadcelineynaa” ayuu yiri Ismaaciil Oronge.

Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo Maamulka gobolka uga mahadceliyay qabsoomidda tartanka, isagoo guddiga tartanka uga mahadceliyay sida ay tartanka u soo daadaheeyeen.

“Inta muuqaalkooda la arkayo iyo inta kale ee gacan ka geystay tartanka waan u mahadcelinayaa, macalimiintii ka qeyb qaadatay iyo tartamaayasha degmooyinkana waan u mahadcelinayaa,  runti waxaan rabnaa in sanadka xiga aan balaarino oo aan kordhino tirada degmooyinka ee ka qeyb qaadanaya tartan cilmiyeedka” ayuu yiri Agaasime Cabdirixiin oo hadalkiisa ku daray in cilmigii lagu tartamay laga diyaarin doono buug oo ay bulshada ka faa’iiddo.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo Xiriirka Saxaafadda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaalla ayaa sheegay in tartanka uu ka duwanaa kuwii hore, maadaama sanadkan ay tahay markii ugu horeysay oo saddex degmo oo gobol ka socda ay soo gaaran wareegga afarta koox, waxaana uu codsaday in Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ay door ka qaadato taabo gelinta tartanka.

“Shanta sano ee tartanka soo socday marxalado kala duwan ayaa laga soo maray, aad bay u adkeyd in la helo degmooyinka ka baxsan caasimadda, marka laga reebo kuwa matalaya oo gudaha Muqdisho ku tartamayay, maatana la joogo sida ay saaxiibadeey sheegeen in tartamayaasha ay soo bateen, maamulka gobolka banaadir waan uga mahadcelineynaa, gaar ahaan Gudoomiye Muungaab iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Axmed, sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Mudane Maareeye waan uga mahadcelineynaa la socodka tartanka” ayuu yiri Agaasime Cadaalla.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye ayaa ugu horeyn hambalyo ku aadan munaasabadda ciida u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolak Banadir.

“Waxaan marka koowaad u hambalyaynayaa dhamaan tartamayaashii ka qeyb galay, gaar ahaan kuwa kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad kala galay, hadiyadihii aan idinkugu talagalnay waa naga diyaar, maalinta xafladda la qabanayo, waxaan kaloo u hambalyaynayaa howlwadeenada Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka, sida ay ugu dhabar adeegeen tartanka” ayuu yiri Maxamed Axmed Diiriye.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ugu horeyn hambalyo ku aadan munaasabadda ciidda hawada u mariyay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle ka baryay in soonka uu Alle ka aqbalo, waxaana uu tilamamay in bishii Ramadaan ee soo dhamaatay ay Ummadda isu gar gaartay oo wax badan laga bartay.

“Hambalyo 28-ka degmo ee ka qeyb qaatay tartankan quruxda badan, waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa tartamaayaasha degmada Yaashiid oo tartanka ku guuleystay, Baydhabo oo kaalinta labaad gashay iyo Jawiil oo kaalinta saddexaad soo tiigsatay, runtii intii kale ee howshan qabatay way mahadsanyihiin, cilmi badan baad bulshada u gudbiseen, waa sax sida uu Agaasime Cabdirixiin Sheegay waxaan ku dadaalaynaa in la keydiyo su’aalihii tartanka” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

 

DSC04662 DSC04663 DSC04667 DSC04670 DSC04672 DSC04673 DSC04676 DSC04679 DSC04682 DSC04683 DSC04685 DSC04688 DSC04691 DSC04692 DSC04696 DSC04697 DSC04701 DSC04703 DSC04704 DSC04707 DSC04708 DSC04709 DSC04710 DSC04712  DSC04717

 

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid oo ku guuleystay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxda Qaranka oo hambalyo u dirtay Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

Next Post
Madaxda Qaranka oo hambalyo u dirtay Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

Madaxda Qaranka oo hambalyo u dirtay Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

May 24, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare ah u soo agaasintay xuska Maalinta Afrika (African Day), oo lagu...

Horjooge isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah iyo booshkiisa, kana soo baxsaday weerarrada Ciidamada Qaranka ay deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In