Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha ka qeyb galay tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka oo loo hambalyeeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 6, 2016
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka, Xulashada
0
Tartamayaasha ka qeyb galay tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka oo loo hambalyeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu soo gabo gabeynayay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkii shanaad tiigsaday, isla markaana sanadkii labaad uu taabo gelinayo maamulka Gobolka Banaadir ayaa caawa la soo gabo gabeeyay, iyadoo ay xiritaankii tartanka ay ka qeyb galeen Wasiirka Warfaafinta, Guddoomiye key-xigeenka Maamulka Gobolka ee dhanka Siyaasadda, Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka iyo xiriirka saxaafadda iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Mudane Ismaaciil Cumar Mukhtaar Oronge oo ugu horeyn goobta hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay in tartankii mudada 29-ka cisho socday caawa la soo gabo gabeeyo, waxaana uu intaa ku daray in tartankan ay ku tartameen 28 degmo ka tirsan gobolada dalka.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

“Farxad ayay noo tahay in sanadkii shanaad ay Warbaahinta Qaranka uu u qabato bulshada Soomaaliyeed, markale waxaan u mahadcelineynaa Maamulka Gobolka oo sanadkii labaad taabo geliyay, intii kale ee ka qeyb qaadatay waan u mahadcelineynaa” ayuu yiri Ismaaciil Oronge.

Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo Maamulka gobolka uga mahadceliyay qabsoomidda tartanka, isagoo guddiga tartanka uga mahadceliyay sida ay tartanka u soo daadaheeyeen.

“Inta muuqaalkooda la arkayo iyo inta kale ee gacan ka geystay tartanka waan u mahadcelinayaa, macalimiintii ka qeyb qaadatay iyo tartamaayasha degmooyinkana waan u mahadcelinayaa,  runti waxaan rabnaa in sanadka xiga aan balaarino oo aan kordhino tirada degmooyinka ee ka qeyb qaadanaya tartan cilmiyeedka” ayuu yiri Agaasime Cabdirixiin oo hadalkiisa ku daray in cilmigii lagu tartamay laga diyaarin doono buug oo ay bulshada ka faa’iiddo.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo Xiriirka Saxaafadda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaalla ayaa sheegay in tartanka uu ka duwanaa kuwii hore, maadaama sanadkan ay tahay markii ugu horeysay oo saddex degmo oo gobol ka socda ay soo gaaran wareegga afarta koox, waxaana uu codsaday in Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ay door ka qaadato taabo gelinta tartanka.

“Shanta sano ee tartanka soo socday marxalado kala duwan ayaa laga soo maray, aad bay u adkeyd in la helo degmooyinka ka baxsan caasimadda, marka laga reebo kuwa matalaya oo gudaha Muqdisho ku tartamayay, maatana la joogo sida ay saaxiibadeey sheegeen in tartamayaasha ay soo bateen, maamulka gobolka banaadir waan uga mahadcelineynaa, gaar ahaan Gudoomiye Muungaab iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Axmed, sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Mudane Maareeye waan uga mahadcelineynaa la socodka tartanka” ayuu yiri Agaasime Cadaalla.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye ayaa ugu horeyn hambalyo ku aadan munaasabadda ciida u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolak Banadir.

“Waxaan marka koowaad u hambalyaynayaa dhamaan tartamayaashii ka qeyb galay, gaar ahaan kuwa kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad kala galay, hadiyadihii aan idinkugu talagalnay waa naga diyaar, maalinta xafladda la qabanayo, waxaan kaloo u hambalyaynayaa howlwadeenada Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka, sida ay ugu dhabar adeegeen tartanka” ayuu yiri Maxamed Axmed Diiriye.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ugu horeyn hambalyo ku aadan munaasabadda ciidda hawada u mariyay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle ka baryay in soonka uu Alle ka aqbalo, waxaana uu tilamamay in bishii Ramadaan ee soo dhamaatay ay Ummadda isu gar gaartay oo wax badan laga bartay.

“Hambalyo 28-ka degmo ee ka qeyb qaatay tartankan quruxda badan, waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa tartamaayaasha degmada Yaashiid oo tartanka ku guuleystay, Baydhabo oo kaalinta labaad gashay iyo Jawiil oo kaalinta saddexaad soo tiigsatay, runtii intii kale ee howshan qabatay way mahadsanyihiin, cilmi badan baad bulshada u gudbiseen, waa sax sida uu Agaasime Cabdirixiin Sheegay waxaan ku dadaalaynaa in la keydiyo su’aalihii tartanka” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

 

DSC04662 DSC04663 DSC04667 DSC04670 DSC04672 DSC04673 DSC04676 DSC04679 DSC04682 DSC04683 DSC04685 DSC04688 DSC04691 DSC04692 DSC04696 DSC04697 DSC04701 DSC04703 DSC04704 DSC04707 DSC04708 DSC04709 DSC04710 DSC04712  DSC04717

 

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid oo ku guuleystay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxda Qaranka oo hambalyo u dirtay Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

Next Post
Madaxda Qaranka oo hambalyo u dirtay Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

Madaxda Qaranka oo hambalyo u dirtay Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In