Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 2-aad ku tartami lahaa Degmooyinka Kismaayo Vs Shibis oo ka kala tirsan Gobollada Jubba Hoose iyo  Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taabagelineya Bangiga IBS.

Axmed Cali Kaahiye oo ka mid ah daadihiyeyaasha Tartanka ayaa shaaciyay in tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobalka Banaadir ay ka cudur daarteen ka qeyb galka tartankii caawa, isagoo intaa ku daray in sida sharciga uu dhigayo haddii ay hal degmo ka maqnaato goobta tartanka dhibcaha si toos ah loogu wareejinayo degmadii tartanka soo xaadirtay, sidaas darteed tartamayaasha Degmada Kismaayo ay dhibcaha tartanka la wareegeen, ayna ugu gudbeen wareegga labaad ee tartanka.

Related posts

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

July 13, 2026
Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

July 13, 2026

Xubno u hadlayay tartamayaasha degmada Kismaayo oo caawa tartanka u soo xaadiray, isla markaana ahaa guuleystayaasha tartanka sanadkii tegay ayaa sheegay inay caawa ku faraxsanyihiin inay guuleystaan oo ay u gudbaan wareeggga 2aad ee tartanka, ayna diyaar u yihiin inay difaacdaan tartanka.

Wasiirka Dhallinarada iyo cayaaraha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Aweys Maxamed Xuseen oo horey uga mid ahaa tartamayaasha Degmada Kismaayo, oo isna la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlwadeennada Warbaahinta Qaranka uga mahadcelinayaan sida ay markasta ugu adeegayaan bulshadooda, isagoo tartamayaasha Kismaayo ku booriyay inay dadaal badan muujiyaan oo ay difaacaan tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 3-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doono degmooyinka Kaxda Vs Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud.

 

Previous Post

War-Murtiyeed: Liiska Xildhibaanadii maanta qaatay shahaadooyinka xubinimada BFS

Next Post

Doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Baladweyne lagu qabanayo.

Next Post

Doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Baladweyne lagu qabanayo.

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

July 13, 2026
0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib geerida ku timid...

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

July 13, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In