Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamayasha degmada Deyniile oo laga reebay tartankii caawa “SAWIRRO+DHAGEYSO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayasha degmada Deyniile oo laga reebay tartankii caawa “SAWIRRO+DHAGEYSO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad oo is xiga Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Deyniile Vs Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Deyniile iyo Garbahaareey iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Deyniile iyo Garbahaareey waxey noqotay sidan:-

Deyniile

Tartamayaasha Degmada Deyniile sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Hal su’aal oo waxa ay iska qaldeen 6 su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha degmada Deyniile, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Deyniile ay heleen noqoneysaa 2 dhibcood (Labo dhibcood).

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal,  halka ay iska qaldeen Afar u’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Saddex su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Deyniile, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Garbahaareey ka dhigeysaa inay heleen 12 dhibcood (Labo iyo toban dhibcood).

Hadaba kulankii 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi,

Habeen dambe oo ah habeenka 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Boosaaso iyo Dharkeynleey oo ka kala tirsan gobollada Bari iyo Benaadir.

Halkan ka dhageyso tartankii caawa

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Qeybta-Koowaad-ee-tartanka-15.06.2016.mp3 http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/06/Qeybta-Labaad-ee-tartanka-15.06.2016.mp3

 

DSC05281 DSC05282 DSC05285 DSC05286 DSC05287 DSC05289 DSC05292 DSC05298 DSC05299 DSC05300 DSC05304 DSC05306 DSC05308 DSC05311 DSC05312 DSC05316 DSC05319 DSC05320 DSC05324 DSC05327 DSC05329 DSC05334 DSC05338 DSC05340 DSC05344 DSC05345 DSC05347 DSC05350

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

 

Previous Post

Guddi loo saaray sabahaha keenay isku dhac ciidamo ka wada tirsan Maamulka Galmudug

Next Post

Ra’iisul wasaare Cumar: Qaxootiga ma ahan in qasab lagu celiyo

Next Post
R/wasaaraha dalka oo muqdisho ku soo laabtay

Ra’iisul wasaare Cumar: Qaxootiga ma ahan in qasab lagu celiyo

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In